XOG: Maamul Gobaleedyada oo Shuruud cusub ku xiray Lakulanka Farmaajo iyo Kheyre

XOG: Maamul Gobaleedyada oo Shuruud cusub ku xiray Lakulanka Farmaajo iyo Kheyre

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso  Saxaafada ayaa sheegaya in Madaxda Maamul Gobaleedyada ay qaarkood dalbanayaan in Shirka uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ee lagu xalinayo Dowlad Gobaleedyada iyo Dowlada dhexe laga wareejiyo magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Wafuuda ka socota Aqalka sare ee u istaagay Xaqiiqo raadinta Khilaafka ka dhex aloolsan Dowlada dhexe iyo Maamulada hoostaga ayaa la kulmaya shuruudo badan oo ay hordhigeen Dowlad Gobaleedyada qaarkood.

Shuruudaha ugu waa weyn waxaa ka mid ah in Dowlada Federaalka ay marka hore xaliso tabashooyinkooda ka dibna Shirka wada hadalka lagu qabto Kismaayo, Garoowe ama Baydhabo.

Inkastoo Maamulka Hirshabeelle uu ogolaaday inuu dib usoo celiyo wada shaqeyntii kala dhaxeysay Dowlada dhexe ka dib cadaadis Madaxweyne Waare ay saareen siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Maamulkaasi hadana Madaxweyneyaasha qaarkood ayay ku guul dareysteen Guddiyada Aqalka sare inay isku afgartaan qorshaha ay ku doonayaan inay Shir wadahadal iskugu keenaan Madaxda Dowlada iyo Maamulada.

Dowlada Federaalka ayaa qudheeda la ogeyn inay ogolaan doonto in Shirka Muqdisho laga wareejiyo, waxaana suurta gal in Khilaafka uu sii xumaado inkastoo Maamulada qaar rajo laga muujiyay.

Madaxweynihii hore ee Puntand Cabdi raxmaan Faroole ayaa rajo ka muujiyay inay Puntland ku qanciyaan in labada dhinac la isku soo dhaweeyo halka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo la kulmay wafdiga Aqalka sare uu soo dhaweeyay guddigan xalinta khilaafka isku xilqaamay balse wada hadalka ay ku ogolaan karaan inay dowlada faraha kala baxdo arrimaha Galmudug.

LEAVE A REPLY