Xog Muhiim Beesha Habargidir ma doonaysa in Mahad Salaad uu Kheyre...

Xog Muhiim Beesha Habargidir ma doonaysa in Mahad Salaad uu Kheyre wasiir uu ka dhigo?

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso  warhinta  ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu qorsheynayo inuu isbedel ku sameeyo qaar ka mid ah Golahiisa Wasiiradda.

Kheyre waxaa hada diiradda u saaran sida ay sheegayaan Ilo wareedyo Xafiiskiisa ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa doonaya booskaasi Wasiirka in lagu bedelo shaqsi ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka gaar ahaan kuwa matalaya Beesha Habar Gidir maadaama ay kursigaasi hada iyaga heystaan.

Kheyre ayaa Beesha Habar Gidir ku wargaliyay in Xildhibaan Mahad Salaad uu ku haboon yahay inuu qabto xilkan Wasiirka arrimaha Gudaha laakiin waa inuu marka hore ka tanaasulaa Mucaaradnimadiisa.

Inta ugu badan Xildhibaanada Golaha Shacabka waxay taageersan yihiin siyaasadda Kheyre waxayna taasi ku timid in kuwa ugu dhaq dhaqaaqa badan uu ka dhigay Wasiiro halka kuwa kalena uu balanqaadyo waa weyn u sameeyay, wuxuuna markan doonayaa in xubno badan oo Dowlada Mucaaradi jiray lagu soo daro Nabad iyo Nolol.

Beesha Habar gidir ayaa ku qanacsan Qorshaha Kheyre maadaama uu u balanqaaday inuusan dhaafineyn Kursiga Wasiirka arrimaha Gudaha, waxaana la ogeyn sida Xildhibaan Mahad Salaad uu u ogolaan doono inuu ka tanaasulo ka mid ahaanshaha Damu-Jadiid.

LEAVE A REPLY