XOG: Qorshaha Cusub Ee Fahad Yaasiin La Damacsan Yahay Hay’ada NISA

XOG: Qorshaha Cusub Ee Fahad Yaasiin La Damacsan Yahay Hay’ada NISA

0
SHARE

Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Ee NISA ayaa la doonayaa in isbadel weyn lagu sameeyo Nidaamkeeda Shaqada.

Dhawaan waxaa la ceeriyey Saraakiil Xilal muhiim ah heysay,ayna ku jireen C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Cabdalla Cabdalla.

Waxa lasoo warinayaa in Qorshahaasi uu wato Fahad Yaasiin oo Xilka Agaasime Kuxigeenka NISA loo Magacaabay.

Fahad Yaasiin ayaa doonaya inuu Qatar ka helo Taageero muuqata oo lagu Dhisayo Ciidan Dhar Cad ah oo Amniga suga.

Saraakiil kasocotay Sirdoonka Qatar ayuu la kulmay islamarkaana la isla qaadaa dhigay Qodobo Dhowr Ah.

Waxaa ka mid aheyd in 300 Lagu bilaabo Askarta dharka Cad oo tababar loo sameenayo kuwaas oo loo qaadayo Magaalada Doxa Ee Dalka Qatar.

Hadii lagu guuleysto waxa sidoo kale Sudan loo diri doonaa Ciidan kale oo Nabad Sugida loo tababarayo kadibna lagu soo celinayo Muqdisho.

Saaxiibka 1aad Ee Madaxweyne Farmaajo waa Fahad Yaasiin waxaana la sheegay in uu ka dhigayo NISA Hay’ad Awood Badan waloow dhawaan Hubkii NISA lagu wareejiyey Booliska sida uu xaqiijiyey R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

LEAVE A REPLY