XOG: Qorshe H/Gidir Uu Ka Hor Yimid Gen. Indha Cade & Hal...

XOG: Qorshe H/Gidir Uu Ka Hor Yimid Gen. Indha Cade & Hal Arin Oo Uu Cuskaday

0
SHARE

Beesha Habar Gidir ayaa waxay dedaal ugu jirtaa sidii ay ku heli laheyd Jagada NISA ugu sareysa Ee Hogaanka Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka.

Odayaal iyo Waxgarad ku Heyb Ah General Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cade ayaa waxay kulamo gaar gaar ah la qaadanayeen maalmahaan Xildhibaano iyo Wasiirada Xukuumada Ee Beeshaasi ku jira.

Caqabada ka taagan in Xilkaasi loo magaacabo Yuusuf Indha cade ayaa ah inay beesha weyn doonto Wasiirka Arimaha Gudaha oo ay hadda ku fadhiyaan.

Kaaga darane Isku heyb ayey yihiin weliba isku jufo Indha Cade iyo Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye,waana culeys meesha ku jira.

General Indha Cade oo lagu xasuusto Xilligii Marka uu maamulka ka ahaa waxa lagu Xantaa inuusan aheyn nin Hal Adeyg leh oo is bad badelkiisa badan yahay.

Yuusuf Indha Cade ayaa waxa uu ka mid ahaa Hogaamiye dagaaleed Dawlada iyo kooxaha dawlada kasoo horjeeda mar kasoo dhinac dagaalamay,inkastoo dhaawac gaaray uu waayahaan dambe fadhiid iska noqday.

R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa u arka Xilka Taliyaha Qaranka Ee NISA Boos muhiim ah oo shakhsi iyaga hoos tegaya mid aan aheyn aysan la rabin in qof kale qabto.

Ilo madax banana oo Warqaad Heshay ayaa sheegaysa in Hadii Indho Cade la keenin macquul tahay in Lasoo Celiyo Khaliif Axmed Ereg oo Labo Jeer Xilkaasi soo noqday.

Warar kale ayaa sheegaya in Gen.Indha cade uu diiday La Shaqeynta R/wasaare Kheyre oo Beesha uu kasoo jeedo Jilaafeyn Cad ku haya sida uu yiri.

LEAVE A REPLY