XOG Sir ah : Muran iyo Xiisad ka taagan ku Dhawaaqista Wasiiradda...

XOG Sir ah : Muran iyo Xiisad ka taagan ku Dhawaaqista Wasiiradda cusub ee Galmudug

0
SHARE

Madaxda Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo gaar gaar ah ku lahaa Madaxtooyada Dhuusomareeb si loo dhiso shaxda Wasiirada Cusub ee Madaxweyne Xaaf laga sugayo, si ay ugu soo muuqdaan Xubno katirsanaa Maamulkii Ahlu Sunna ee Galmudug Wadahadalka ugu biiray.

Xubno katirsan Galmudug ayaa sheegay in Todobaadkii tagay Warbaahinta Khamiistii looga yeeray Madaxtooyada Dhuusomareeb si loogu dhawaaqo Wasiirada, waxaa dib u dhac ku yimid ku dhawaaqistaas.

Sabtidii iyo Axadii Todobaadkaan waxaa markale Warbaahinta loogu yeeray ka qaybgalka ku dhawaaqista Wasiirada, waxaana ka horeeyay Kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen Madaxdii Ahlu Sunna katimid oo uu kamid yahay Shiikh Maxamed Shaakir, Madaxa Xukuumadda Galmudug, Macalim Maxamuud iyo xubno kale, hase yeeshee waxaa dib udhac ku yimid ku dhawaaqista Wasiirada.

Madaxweyne Xaaf ayaa u sheegay Madaxa Xukuumadda in uu Kismaayo u safrayo si uu ugu qayb galo Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, kulankaas kadib uu ku dhawaaqayo  Golaha Wasiirada, madaxda Awood qaybsiga Dooneysana  ay kasii tashtaan saddexda Cishe ee uu Maqan yahay sida ay inoo sheegeen Ilo Wareedyo ka mid ah Galmudug.

Xildhibaanada qaar ee ku yimid isbadalka ka dhashay Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso ku dhawaaqista Wasiirada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro ismaandhaaf ka dhex jira Madaxda Galmudug ee labada dhinac ah, waa Qaybta Madaxweyne Xaaf iyo dhanka Madaxda Xukuumadda.

Waxyaabaha ugu badan ee la isku hayo waxaa kamid ah, qaybsiga Wasiirada Muhiimka ah sida Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, Iskaashiga iyo Wasaarado kale.

Inkastoo Madaxweyne Xaaf uu Kismaayo jiro waxaa soconaya wadatashiyo ay dib ugu fikirayaan Madaxda Galmudug ee dhinaca Ahlu Sunna ka yimid si ugu yaraan ay ka tanaasulaan Wasiirada Muhiimka ah sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo Wareedyo katirsan Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wasiiradiisa cusub waxaa kasoo muuqan doono xubno katirsan Maamulkii Ahlu Sunna, si lamid ah Baarlamaanka labada dhinac oo horay la isku biiriyay.

LEAVE A REPLY