Xog Xaaf Oo Ka Guuleystay Siyaasada Carabeey & Cali Gacal+Maskaxda Ka...

Xog Xaaf Oo Ka Guuleystay Siyaasada Carabeey & Cali Gacal+Maskaxda Ka Dambeysa Guushaas

0
SHARE

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa hadda bandar jiifa marka loo eego Siyaasadii Cakirneyd Ee Ka Heysatay Dhinaca Mas’uuliyiinta sar sare Ee Maamulkiisa.

Maxamed Xaashi Carabeey oo kuxigeen u ah Xaaf iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir oo Khamiistii Tiro Xildhibaano ah sheegeen inay xilka ka qaadeen ayaa labaduba Cadaado Jimcihii shalay gaaray.

Waxay Mas’uuliyiintani isku siyaasad ciyaarayaan balse Xaaf ayaa goor sii horeysay ka baaraan degay arimahaan inay dhacaan oo guushiisa waxa uu hantiyey markii Heshiiskii Jabuuti dhacay.

Gacal iyo Carabeey ayaa la khiyaamay oo waxaa ka awood badiyey Qorshihii Xaaf uu Ahlusuna ula heshiiyey sidaa awgeedna inay labaduba Daaqada ka baxaan ayaa la isku raacay.

Maskaxda ka dambeysay Guusha Xaaf xilligaan ku hawoonayo waa Maxamed Shaakir Cali Xasan M/weynihii hore Ee Ahlusunadii Galmudug ku biirtay oo dhuuso mareeb Fadhiisu yahay.

Shaakir hadda waa Madaxa Xukuumada Galmudug,waa Nin aan ka gaban fikirkiisa,Mowqifkiisu Cad yahay,balse mararka qaar waxa uu ujan jeersadaa meesha jeebkiisa looga buuxiyo.

Xaaf Ducaale ayaa waxa uu la heshiiyey Shaakir oo heysta Xildhibaanada ugu badan Galmudug maadaama Ahlusuna markii ay Galmudug ku biirayeen Xildhibaano dhankooda laga soo biiriyey,waana kuwii riday dhawaan Cali Gacal Casir inkastoo Casir uu diiday xilka qaadistii lagu sameeyey.

Dawlada Dhexe ayaa laga dhursugayaa bal go’aankeeda iyo gacanta ay fidiso xoog iyo xeelad waxa Xaaf uu lasoo shartagay,Ee Saaxiibadii ay Galmudug ku laheyd midna la ceeriyey midna hadda seefta saran tahay.

LEAVE A REPLY