Akhriso Beesha Caalamka oo Hal Arrin darteed Cadaadis u saareysa Somalia iyo...

Akhriso Beesha Caalamka oo Hal Arrin darteed Cadaadis u saareysa Somalia iyo Somaliland

0
SHARE

Waddamada taageera Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamullada hoos yimaada ayaa waxaa ay hadda cadaadis saarayaan dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Somaliland oo gooni isu tag horay ugu dhawaaqay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Waddamada Denmark iyo Holland ay hadda wadaan cadaadiska ugu xooggan ee la saarayo dowladda Federaalka ah iyo Somaliland si wadahadalkii dib loogu billaabo.

Wadahadallada ayaa hakad galay wixii ka dambeeyay sanadkii 2016kii markaas oo labada dhinacba ay ka jireen olole doorasho,waxaana lagu ballamay in dib loo kulmo.

Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashi Cawil ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay Danjiraha Denmark ee Kenya ,Haweeneyda lagu magacaabo Mette Knudsen.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay in dib loo billaabo wadahadallada Dowladda Federaalka ah ee Somaliland, dhinaca Somaliland waxaa ay markasta ku cel celisaa in wadahadalka uu ka dhaco meel aan ahayn Turkiga iyo gudaha dalka.

Dowladaha Holland iyo Denmark ayaa soo jeediyay in wadahadallada ugu soo horreeya ay u dhacaan sida ugu dhaqsiyaha badan kana dhacaan Kenya ama labada dale e Holland iyo Denmark midkood.

Baashe Moorgan ayaa kulanka kaddib Warbaahinta Kenya u sheegay  Somaliland iyo Dowladda Federaalka ah ay ka wada shaqeeyaan la dagaallanka Argagixisada,Burcad Badeedda,Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo wixii la mid ah.

LEAVE A REPLY