Akhriso Hogaamiyhii Hore ee Alshabab Mukhtaar Roobow oo loo ogolaaday inuu u...

Akhriso Hogaamiyhii Hore ee Alshabab Mukhtaar Roobow oo loo ogolaaday inuu u tartamo xilka Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed.

0
SHARE

Ilo Wareedyo lagu kalsoon karo oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa KNN u Sheegay in is faham laga gaaray murankii u dhexeeyay Dowlada dhexe iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu mansuur, kaasi oo ku aadanaa inuusan Mukhtaar isku sharxi Karin xilka Madaxtinimada ee Maamulka Koofur galbeed.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa Maalmo ka hor soo saartay warqad looga hor istaagayo Roobow  in uu u tartamo xilka Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed.

Maalin ka hor waxaa magaalada Baydhabo gaaray Taliyaha  Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen oo la sheegayo in kulamo xiriir ahaa uu la qaatay Mukhtaar Roobow.

Kulamada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray warqadii 4-tii bishan ka soo baxday wasaarada amniga ee xukuumadda Soomaaliya ee lagu sheegay in Roobow uusan xilka madaxtinimo ee Koonfur Galeed u tartami karin sabab la xiriirta inuusan buuxin shuruudihii lala galay beesha caalamka ee ku aadanaa ka qaadista xayiraadaha dhinacyada badan ee saarnaa.

Warar ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow loo ogolaaday in ololahiisa ka sii wato Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Mukhtaar Roobow ayaa mar ahaa hogaamiyaha labaad ee ugu sareeya Dagaalamayaasha Al-Shabaab , waxaana sidoo kale uu noqday afhayeenkii Al-Shabaab.

Maleeshiyaad  daacad u ah Mukhtaar Roobow iyo dagaalamayaasha  Al-Shabaab ayaa dhowr  jeer waxaa ay  ku dagaallameen  deegaanka Abal, halkaasi oo bilihii dambe uu ku sugnaa Roobow, inkastoo markii dambe uu ku soo biiray dowlada Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa hada ku sugan musharixiin badan, kuwaasi Dhamaantooda u hanqaltaagaya qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo Sanadkan ka dhacaysa Magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY