Axmad Daaci oo ka Shifay Sir Xasaasi ah iyo Sababta Muqdisho...

Axmad Daaci oo ka Shifay Sir Xasaasi ah iyo Sababta Muqdisho ay Qaraxyada mar walba uga Dhacaan

0
SHARE

Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) Gudoomiyihii Hore ee Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa uu ka hadlay Xaalada amniga ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu Sheegay in ay soo bateen falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada, isagoona xusay in koox Bistoolad wadata ay dilal ka geystaan Muqdisho, taasina  ay tahay mid aad looga xumaado.

Sidoo kale Axmed Daaci ayaa waxaa uu soo hadal qaaday isku darka ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida Soomaaliya, Waxaa uuna sheegay in lagu deg deg, islamarkaana lagu fududaaday, isagoona xusay in arintaasi laga wanaagsanaa, sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhay mudooyinkii ugu dambeeyay dilal qorsheysan oo ay geystaan koox bistoolad ku hubeysan

LEAVE A REPLY