Bakistan Oo Hay’ado Caalami Ah Ku Amartay In Ay Dalkeeda Ka Baxaan

Dawladda Pakistan ayaa hay’adaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn ku amartay in ay joojiyaan shaqooyinkii ay ka hayeen waddanka, sidoo kalana muddo lixdan cisho ah ay kaga baxaan dalka.

Mid ka mid ah hay’adahaasi, oo lagu magacaabo ActionAid ayaa sheegtay in tallaabadani ay qeyb ka ahayd weerarada sii badanaya ee lagu bartilmaameedsanyo qeybaha kala duwan ay bulshada.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan ayaanan ka hadlin kiisakaan. Balse warqad loo qoray ActionAid oo ay BBC-da aragtay ayaa lagu sheegay in muddo lix bilood gudohood ah ay dib isu diiwaan galiso.

Sideed iyo toban hay’adood ayaa waddanka laga saaray, sidaasi waxaa BBC-da u sheegtay hay’adda ActionAid.

Tallabadaan ayaa imanaysa iyadoo ay sii kordheeyso walaaca ay hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda iyo dadka u ololeeya xornimada warbaahinta ka muujinayaan xorriyatul qowlka dalka.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Hay’daha sirdoonka ee dalka Pakistan ayaa hay’adahaan aan dawliga ahayn ee ka hawl gala dalka shaki ka muujinyay tan iyo markii la ogaaday mashruuc talaal oo been abuur ay CIA ka fuliyeen waddanka, kaas oo looga gol’lahaa in lagu soo jaajuso Osama bin Laden.

Saraakiisha ayaa markii hore ku eedeeyay hay’adda badbaadada dhalaanka”Save the Children” in ay lug ku lahayd qorshahaasi, inkastoo hay’adda ay iska fogeeysay eedeeyntaasi.

Action Aid iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa lagu amray in ka baxaan dalka Pakistan bishii December ee sanadkii 2017-dii. Balse markii ay cadaadis Pakistan kala kulantay waddamada reer galbeedka ah ayaa loo ogolaaday in ay waddanka sii joogaan, iyagoona go’aankaasi racfaan ka qaatay.

ActionAid iyo Plan International ayaa xaqiijiyay in labaduba ay heleen waraaqo lagu ogeysiinayo in racfaankoodii aysan ku guulaysan balse waxa ay sheegen in wax sabab ah aan loo sheegin.

Waxayna labaduba sheegeen in ay ka walaacsanyihiin go’aanka dawladda kaas oo saameynaya maalaayin qof ee ay caawiyaan ha’adahaan amaba la shaqeeya.

BBCSOMALI

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements