Daawo Sawirada Ciidamada Galmudug ee gaalkacyo oo Gacanta ku Dhigay ,,,,,,,

Daawo Sawirada Ciidamada Galmudug ee gaalkacyo oo Gacanta ku Dhigay ,,,,,,,

0
SHARE

Ciidamada amniga qaranka soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Galkacyo
ayaa ku guuleeystay in ay gacanta kusoo dhigaan waxyaabaha maanka
dooriya iyo ilaa 5 ruux oo ku eedeeysan ka ganacsigooda kuwaa oo ay
ciidamadu kusoo qabteen howlgalo lagu sugayay amniga Gobalka mudug
maadaama maandooriyuhu uu qeyb ka yahay waxyaabaha fududeeya falalka
amniga lagu carqaladeeynayo

Howlgalkaan oo ah mid ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka soomaaliyed
gaar ahaana ururka Guul wade ee xasilinta Gobalka mudug ayaa
shaqsiyaadkii lagu soo qabtay iyo agabkii maandoriyaha ahaa waxa ay si
rasmi ah saaka ugu wareejiyeen ciidamada booliiska fadaraalka
soomaaliyeed ee ka howlgala Gobalka mudug

Taliye ku xigeenka Qeybta boliiska fadaraalka ee Gobalka mudug G/dhaxe
Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaana warbaahinta qaranka uga warbixiyay
howlgalka iyo saameeynta maandooriyuhu uu ku leeyahay shaqada ciidanka
amniga qaranku ay ku sugayaan amaanka magaalada galkacyo iyo guud
ahaan Gobalka waxaana uu sheegay in ragaan lasoo qabtay ay ahaayeen
shan ruux oo qeyb ka ah shabakad ka shaqeeysa ka ganacsiga waxyaabaha
maanka dooriya kuwaa oo ay ka mid yihiin qamri laba qeybood isugu jira
mid dalka dibadiisa gaar ahaana dalalka dariskaa laga keeno iyo mid
macmal ah oo lagu sameeyo magaalada Galkacyo iyo xashiish isagoona
tilmaamay in waxyaabaha maanka dooriya isticmaalkoodu uu dhibaato ku
yahay iyaga iyo bulshada kalaba sidoo kalana inta badan dadka falalka
amni darada ka geysta Gobalka mudug ay u badan yihiin shaqsiyaadka
isticmaala waxyaabahaasi

Ugu danbeyna taliye ku xigeenka qeybta booliiska fadaraalka
soomaaliyeed ee Gobalka mudug G/dhaxe Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa uga
mahad celiyay Ururka Guul wade ee Ciidanka xoogga soomaaliyeed ee ku
sugan Galkacyo kaalinta ay ka qaateen xasilinta Gobalka iyo la
dagaalanka qaswadayaasha

Maahan markii u horeysay oo Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan ururka
Guulwade ee xasilinta Gobalka mudug ay soo qabtaan kooxo qeyb ka ah
shabakad ku shaqeysa Ka ganacsiga maandooriyaasha noocayadooda kala
duwan

Waxaa Qoray C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

LEAVE A REPLY