Daawo Sawirada Shir ay leeyihiin saaxiibada Somaliland ee caalamka oo maanta ka furmay Hargeysa

HM__Xafiiska Hargeisa  Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay shirweyne heer sare ah oo lagu falanqaynayo guulihii ay Somaliland gaartay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadihii soo wajahay, kaas oo ay kasoo qayb-galeen wufuud caalami ah oo ka socota dalal kala duwan oo dunida ah, hay’addo diblomaasiyiin, siyaasiyiin, safiirro, shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, hoggaanka axsaabta qaranka, , haldoor ka socday dalalka Jaarka ee Jabuuti iyo Itoobiya iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen wufuud ka socota In ka badan 20 (labaatan) dal oo kamid ah dalalka dunida, isla markaana ay soo abaabushay wasaaradda arrimaha dibadda  Somaliland, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya guulihii ay Somaliland gaartay iyada oo aan cid kale gacan ka helin, jidka dheer ee ay usoo martay halka ay maanta taagan tahay iyo waliba caqabadaha hortaagan ee u baahan in meesha laga saaro.

Xubno isugu jira xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin ka kala socday dalalka caalamka oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah Jamhuuriyadda Somaliland ugu bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay gaadhay muddadii ay jirtey, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay Somaliland kala shaqayn doonaan sidii ay uga gudbi lahayd dhammaanba wixii caqabado ah ee horyaalla.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah shirweynahan u daah-furay, ayaa isaguna ku dheeraaday sidii ay shacabka reer Somaliland ugu soo dhabar-adaygeen inay noqdaan qaran taabbo-gal ah oo isku filan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Somaliland waxa ay taariikhda ku gashay inay tahay dalka qudha ee gudihiisa kaligii taliye kula dagallaamay ee uu u adeegsaday inuu diyaarado ku dumiyo magaalooyinkii ee haddanna ka guulaystay adkaysigooda iyo niyad-adaygooda birta ah. Waxa kale oo ay Somaliland taariikhda ku gashay in iyada oo dagaalka intaas le’egi ku dhacay oo dadka colaad lagu dhex abuuray inay haddana iyadu dhisto dawladnimo iyo midnimo iyada oo aan cid kale u oggolaan inay soo faro-geliyaan”.

Shirweynahan lagu gorfaynayo guulihii ay Somaliland gaadhay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadaha ka horyimi, ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxana lagu wadaagi doonaa aragtiyo aqoon ku dhisan oo la xidhiidha sidii looga gudbi lahaa wax kasta oo lugta qaban kara hiigsiga fog ee qarankani leeyahay.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

(Sawiro+Faah-Faahin Dab Qasaare Hantiyeed Gaystay Oo Qabsaday Mid Ka Mid ah Dhismayaasha Ugu Caansan Dhanka Gaalkacyo ee Galmudug
- Nov 22, 2019
HM__Xafiiska Gaalkacyo :Dab Gaystay Khasaare Hantiyeed Ayaa Saqdii dhexe Ee Xalay Abaaro 12:45 ...
Akhriso QM oo war Culus ka soo Saartaz Khilaafka u dhaxeya Dowlada Somaliya iyo Maamul Gobaleedyada
- Nov 22, 2019
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo khudbad u jeedinaayay ...
DEG DEG: Kulankii Muxaadarada uu Sheikh Umul ku qaban lahaa Muqdisho oo baaqday + Sababta
- Nov 22, 2019
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inuu baaqday ...
Natiijooyin hordhac ah oo laga helayo baaritaanka xabadii dishay Elmas Elman
- Nov 22, 2019
Waxaa soo baxaya natiijooyin hordhac ah oo ku saabsan halka ay ka timid xabadii ...
Dowlad ka tirsan Yurub oo dayuurad gargaar sida ka soo dejisay Muqdisho (Sawirro)
- Nov 22, 2019
Diyaarad weyn oo sida gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka roobku ku ...
Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
 
Advertisements