magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug Waxa ka Dhacday Doorashada Waxana magaaladaasi Lagu Doortay Xildhibaanada Ahlu Sunna ku matala Galmudug ay doorteen Gudoomiye Baarlamaan.
Doorashada ka dhacday magaalada Dhuuso Mareeb oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano u badan garabka Ahlu Sunna ayaa waxaa ku tartamay sadex Musharax oo kala ahaa Ismaaciil Cabdulle Axmad ,Aadan Xaaji Xasan Gardheere iyo Salaad Caynte.
Guddiga doorashada ayaana shaaciyay in xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug loo doortay Ismaaciil Cabdulle Axmad oo helay inta badan codadkii ay dhiibteen Xildhibaanada la sheegay in ay wax dooranayeen.
Doorashadan galabta ka dhacday magaalada Dhuuso Mareeb ayaa u muuqata mid sii xoojineysa khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Galmudug, waxa ayna tani meesha kasii saareysaa dadaaladii lagu doonayay in khilaafka Galmudug xal looga gaaro.
Maamulka Galmudug ayaa hada u qeybsan labo garab oo kala fadhiya magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Cadaado, waxaana labada dhinac Xildhibaano kala taabacsan siyaabo kala duwan u sheegeen in xilalka uga kala qaadeen Madaxda labada garab.