DEG DEG: Heshiis Laga Gaaray Qodobadii Rooboow Ku Heysatay Dawlada Dhexe

DEG DEG: Heshiis Laga Gaaray Qodobadii Rooboow Ku Heysatay Dawlada Dhexe

0
SHARE

HM__Xafiiska Dhuusamareeb Kulamo ayaa weli waxay ka socdaan Baydhabo oo iska soo horjeeda,taas oo la aaminsan yahay in Rooboow lagu dhabar jebinayo.

Doorashada Koonfur Galbeed oo dhaceysa Bisha soo socda ayaa waxay keentay in buuq ka dhasho is hortaaga dawlada Dhexe ku sameysay Mukhtaar Rooboow.

Xalay ilaa Labo Jeer ayaa kulamo ay dhaceen oo dhexmaray Rooboow iyo Wafdiga Dawlada Dhexe Ee taliyaha Nabad Sugida Qaranka Hogaaminayo Xuseen Cusmaan Xuseen.

Dawlada ayaa waxay udirtay Xubno inay ka dhaadhiciyaan Abu Mansuur inuusan tartanka doorashada ka qeyb noqon.

5-tii Bishan ayaa warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Amniga Dawlada Soomaaliya waxa lagu muujiyey inay khalad tahay isagoo aan buuxin shuruudihii xanibaada Saarnaa Rooboow inuu tartankaas doorasho ka mid noqdo.

Arintaas waxay farxad gelise Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u arka Culeys weyn inuu Doorashada ku baratamo Abu Mansuur,balse Rooboow ayaa shalay Sabtidii muujiyey inuu xaniinyihiisa fuulayo kuna celiyey inuu Murashax yahay.

Waxa uu iska dhego tiray Baaqii Wasaarada Amniga Ee ahaa inuu ka laabto murashaxnimadiisa,Dawlada Dhexe waxay qodobada qaar ka ogoleysiisey Abu Mansuur Balse mida murashaxnimada ayaa la isku mari la’yahay.

Warar ayaa sheegaya in gelinka dambe Ee Maanta laga yaabo inuu Rooboow iyo taliyaha Nabad sugida ay War Cad kasoo saaraan wixii la isku afgartay.

LEAVE A REPLY