Duqeyn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Gobolka Jubbada Hoose

Duqeyn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Gobolka Jubbada Hoose

0
SHARE

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo xalay Saqdii dhexe ka dhacday deegaanka Kamsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose taas oo lala beegsaday Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in duqeyntaas lagu dilay Wakiilka Al-Shabaab ee Gobolkan Banaadir dhawaan u soo Magacaabeen oo Magaciisa lagu sheegay Subeyb  iyo 11 ilaaladiisa ka mid ah.

Sidoo kale tiro ka mid ah  Al-shabaab ayaa lagu dhaawacay duqeynta Kamsuuma oo lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen,isla markaana lagu  burburiyay Gawaari ay wateen saraakiil Al-shabaab ah iyo agab kale oo ay lahaayeen.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada xoogga dalka Soomalaiya waxa ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoos

LEAVE A REPLY