Galmudug oo La xisaabtamaysan Xubnaha Aqalka Sare ee Ka soo Jeeda Deegaanada...

Galmudug oo La xisaabtamaysan Xubnaha Aqalka Sare ee Ka soo Jeeda Deegaanada Galmudug

0
SHARE

Dowlag Gobaleedka Galmudug ayaa sheegay in la xisaabtamayo Sanatarrada aqalka sare ku matala Maamulkaas,kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay u dhaqmayaan sida dowladda Federaalka ah.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamuud Cismaan Masagga-waa, ayaa sheegay in war-saxaafadeedka ka soo baxay aqalka sare ee ay kula talinayeen Galmudug uu u muuqdo ama la mid yahay war-saxaafadeedkii ka soo baxay Dowladda Federaalka ah

Masagga-waa, ayaa sheegay in la gaaray xilligii Maamulka Galmudug uu la xisaabtami lahaa xildhibaannada aqalka sare ku matala,kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay gabeen shaqadoodii.

Maamulka Galmudug ayaa waxa ka taagan khilaaf siyaasadeed dib u dhigay howlihii dowladnimo ee dadka degaankaas ka filayeen maamulka galmudug sida dad badan ay aamisan yihiin.

Waxaana xubno xilalka iska qaaday oo ah madaxda ugu sarreysa Galmudug ay ku kala suganyihiin Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

LEAVE A REPLY