Madaxweyne Farmaajo oo Safar aan la shaacin ku tagay Magaalada Marka (Ogow...

Madaxweyne Farmaajo oo Safar aan la shaacin ku tagay Magaalada Marka (Ogow Ujeedka)

0
SHARE

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhow gaaray Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Xubno ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ku wehliya safarka Madaxweynaha, Waxaana soo dhaweyn u sameeyay Maamulka Gobolka, Kan degmada iyo Saraakiisha Ciidamada.

Ujeedka socdaalka ee wafdigan, ayaa lagu sheegay iney la xiriirto sidii loo dhiiragelin lahaa Ciidamada 14-ka October, kuwaasoo Shabaab ka saaray bilo ka hor magaalada Marko iyo deegaanada hoostaga.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa inta uu ku suganyahay Marko la hadli doono qeybaha kala duwan ee Buslahada, Isagoo markaasi kadibna dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho.

Socdaalka Madaxweynaha, ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta la xusayo Sanad kadib weerarkii lagu qaaday Isgoyska Zoobe ee ku naf waayeen dadka ka badan 500 ee qof.

LEAVE A REPLY