Mukhtaar Roobow oo Baydhabo ka shaaciyay inuu yahay Musharax.

Mukhtaar Roobow oo Baydhabo ka shaaciyay inuu yahay Musharax.

0
SHARE

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa  Maanta waxaa uu magaalada Baydhabo ka sheegay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Mukhtaar  ayaa sheegay in codsiyo badan ay uga yimideen shacabka koonfur Galbeed,isla markaana xilligaan uu yahay Musharax u taagan Xilka  madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dadweynihii ku soo dhaweeyay  garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ayuu u mahadceliyay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaa uuna balanqaaday in isbadalo badan uu la imaan doono.

Sheekh Mukhtaar ayaa horey waxaa  uu kaga mid ahaa Hogaamiyaaha ugu sareysa ee dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoona markii dambe uu isku soo dhiibay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Musharixiin aad u badan ayaa waxa ay joogaan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, Waxaana musharixiintaasi ka mid ah Madaxweynaha Hada talada haya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Mukhtaar Roobow Cali Abuu mansuur,  Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeet iyo musharixiin kale.

Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa jawi ka badal maalmihii ugu dambeeyay, xili ay ku sii qul-qulayaan Musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimada ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY