War Naxdin Leh Oo Naga Soo Gaaray Baadiyaha Degmada Guriceel Ee Gobolka...

War Naxdin Leh Oo Naga Soo Gaaray Baadiyaha Degmada Guriceel Ee Gobolka G/gaduud

0
SHARE

Magaalada Guriceel Deegaan ku dhaw ayaa waxa laga soo sheegayaa in Xoolo badan ay ku le’deen Biriq ku dhacday taas oo warar dheeraad ah kasoo baxayaan.

Roob mahiigaan ah oo ka da’ay saacadihii lasoo dhaafay Deegaanka Dabayoodleey Ee udhaw Guriceel ayaana biriq ay ku dhacday Xoolo Ari ubadan.

Inkabadan 90 Neef Ari ah ayaa ku bakhtiyey biriqda haleeshay,waxaana ku hanti waayey Xoolo dhaqatadii laheyd Xoolahaasi.

Dadka Xoolahaas waayey waxay sheegeen in 10 Neef Ari ah ay u hareen,iyadoo la sheegayo kuwii Bakhtiyey god inta loo qoday lagu xabaalay.

.

LEAVE A REPLY