Xog Afhayenkii shabab oo la shegayo in uu ku dhawyahay Baxsad...

Xog Afhayenkii shabab oo la shegayo in uu ku dhawyahay Baxsad Kadib Markii……….

0
SHARE

Xog gaara oo ay heleyso Warbaahinta  ayaa sheegeysa in Afhayeenka Kooxda Al shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere uu doonayo inuu qaado Labo Talaabo Midkood.

Sirdoonka Dowlada Soomaaliya ayaa ogaaday in Khilaaf xoog leh uu soo kala dhex galay Al shabaab tan iyo markii uu xanuun awgii awoodi waayay inuu Ururka hoggaamiyo Axmed Diiriye oo ah Amiirka Kooxda.

Cali dheere ayaa doonaya inuu noqdo Amiirka Al shabaab laakiin wuxuu culeys badan kala kulmayaa Hogaamiye magaciisa lagu sheegay Ciise iyo Mahad Karataay oo ka mid ah Awoodaha ugu waa weyn ee Al shabaab.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa doonaya inuu la baxsado ciidamo badan hadii ay u suurta gali weyso inuu kooxda hoggaamiyo, waxaana cabsi iyo kala shaki uu ka dhex abuurmay Madaxda Kooxda.

Ciidamada xoogga dalka ayaa fursad weyn u arka khilaafka iyo dagaal soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sareysay Al shabaab, waxaana suurta gal howlgalo bartilmaameed ah inay qaadaan Ciidanka xoogga dalka iyo dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya oo weerarada dhulka iyo cirka ka taageera.

LEAVE A REPLY