XOG Akhriso : Imaaraadka oo soo Celiyay Shirqooladii uu u maleegi jiray...

XOG Akhriso : Imaaraadka oo soo Celiyay Shirqooladii uu u maleegi jiray Dowlada Somalia

0
SHARE

Xog gaara oo ay heshay  warbaahinta  ayaa sheegeysa in Dowlada Imaaraadka ay dib u bilawday inay qoroto Xubno cusub oo Siyaasiyiin ah kuwaasoo qeyb ka noqonaya mucaaradka dowlada madaxweyne Farmaajo.

Imaaraadka ayaa sanadkan horaantiisa ku fashilantay inay hesho Xubno cusub oo Mucaarad ah ka dib oo ay isku dayday inay ka qorato Nairobi iyo Muqdisho, ka dib markii Dowlada Soomaaliya ay ka war heshay qorshahan isla markaana ay ka hor istaagtay.

Siyaasiyiinta la xulanayo ayaa waxaa lagu dooranayaa Mansabka iyo magaca ay ku dhex leeyihiin Bulshada, iyadoo xubno ka socda Dowlada Imaaraadka ay ku kala sugan yihiin Kenya iyo Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaano dhowr ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ay Imaaraadka Carabta ka heleen balanqaadyo waa weyn.

Talaabadan ay wado Dowlada Imaaraadka ayaa waxay kaga go’leedahay inay sii balaariso culeyska ay saareyso dowlada Federaalka taas oo dhaxal siinaya inay hesho Siyaasiyiin iyada danaheeda ka shaqeeya oo Xukuumada Soomaaliya ku bata.

LEAVE A REPLY