XOG: Madaxweyne Gaas oo Abaabulaya Dagaal Xoogan iyo Itoobiya oo Hub ka...

XOG: Madaxweyne Gaas oo Abaabulaya Dagaal Xoogan iyo Itoobiya oo Hub ka dajisay Boosaaso

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso Warbaahinta ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas uu wado qorshe uu ku abaabulayo dagaal culus oo Ciidammada Puntland ay ku qaadaan goobihii dagaaladii Tukaraq ay gacanta kaga dhigeen Somaliland.

Saraakiisha horkaceysa ciidammada Puntland ee dagaalka kula jira Somaliland ayuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Cabdi Weli Gaas, wuxuuna ku wargaliyay inay u diyaar garoobaan dagaal xureyn ah.

Dhaq dhaqaaqa ay wadaan Ciidammada Puntland ayaa cabsi ku abuuray shacabkii rajada ka qabay in laga heshiiyo dagaalada Tukaraq oo dad badani ay ku geeriyoodeen, halka qaarna kalena dhaawacyo halis ah ay kasoo gaareen sidoo kalena Hanti badan ku baaba’day.

Sidoo kale Warar Hoose oo ay heshay Warqaad.com ayaa sheegaya in Hub aad u badan Puntland ay ka heshay Itoobiya, waxaana hubkan la sheegay inuu sanadkan horaantiisa Madaxweyne Gaas mar uu safar ku tagay Magaalada Adis Ababa uu ka codsaday Dowlada Itoobiya.

Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku guul dareystay inay ka miro dhaliyaan wada hadalo ay sheegeen inay lakala yeesheen Labada Maamul, waxaana hada aan jirin cid gaara oo isku xilsaartay inay kala dhex gasho Puntland iyo Somaliland si dagaalada dhiiga ku daadanayo loo joojiyo.

Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer dhankooda ku goodiyay inay dagaal xoogan ku qaadi doonaan Puntland kaasoo aysan joogsan doonin ilaa ay kala wareegaan Magaalada Garoowe oo ah Xarunta Puntlad, waxaana Todobaadkii lasoo dhaafay Wakiil ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ay ugu baaqeen Shacabka inay ka barakacaan deegaanada Puntland.

LEAVE A REPLY