XOG Maxa ka jira in Farmaajo uu Go’aan Lama filaan ah...

XOG Maxa ka jira in Farmaajo uu Go’aan Lama filaan ah ka qaatay Dadaalkii Aqalka sare ku xalin rabay Khilaafka Maamul Gobaledyada

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso  Warbaahinta ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka wargaliyay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi inay Dowlada dhexe ka sugayaan Habka loo marayo xal ka gaarista Khilaafka joojiyay wada shaqeyntii Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada hoostaga.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah xalay la qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ujeedka kulanka uu ahaa inuu ku bogaadiyo dadaalka ay wadaan Xubnaha Aqalka sare oo Guddi Xaqiiqo raadin u diray Maamul Gobaleedyada oo ay kasoo dhageysteen Warbixino la xiriira waxyaabaha keenay inay istaagto wada shaqeyntii Dowlada dhexe iyo Maamulada hoostaga.

Balse Madaxweynaha ayaa codsaday in Xubnaha Aqalka sare ay joojiyaan deg degta ku jirta iyadoo arrintan Dowlada Federaalka Soomaaliya ay wada tashiyo ka leedahay sida loo maareyn doono.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa Madaxweynaha ka codsaday in Hay’addaha Fulinta ee Dowlada ay soo dedejiyaan Warbixino la xiriira waxyaabaha tabashada keenay, isagoo balanqaaday in Xubnaha Aqalka sare uu ka dhaadhicinayo Dowlada Federaalka ay ka warsugaan qorshaha ay wado Walow Senatorada ay intooda badan ka biyo diidan yihiin in Dowlada ay warbixin siin weyso Aqalka sare oo Maalmo ka hor ka codsaday iyadoo aysan Jawaab helin waxayna taasi u arkaan Yasitaan Dowlada ay ku sameyneyso Aqalka sare waxayna sheegeen hadii Golaha Shacabka uu Warbixin ka codsado in si dhaqso ay kaga jawaabaan, iyagoo ka cabsanaya Mooshin iyo waxyaabo la mid ah.

Inkastoo Kulanka Madaxweyne Farmajo iyo Cabdi Xaashi uu kusoo dhamaaday is afgarad hadana lagama oga Go’aanka ay qaadan doonaan Xubnaha Aqalka sare uu u arka xal ka gaarista khilaafkan in Madaxda Dalka ay ka gaabinayan iyagoo ku amaanay Dowlad Gobaleedyada inay la wadaageen Warbixinada ay kusoo gudbinayeen Tabashooyinkooda.

LEAVE A REPLY