XOGTA HOBYOMEDIA.COM : Alshabaab oo Hubkii ugu Badnaa kala soo dagay Dekad...

XOGTA HOBYOMEDIA.COM : Alshabaab oo Hubkii ugu Badnaa kala soo dagay Dekad Macmal ah oo ku taala Degaano galmudug Katirsan

0
SHARE

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Ururka Al Shabaab saanad Militari ay kala soo dageen Dakadda macmalka deegaanka Faax oo ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Doomo siday saanad Militari ayaa ku soo xirtay Dakadda deegaanka Faax, waxaana la aaminsan yahay in doomahan saanada Militari ay ka keeneen dalka Yemen oo Somaliya daris la’ah.

Ilo Muqaabaraad ah ayaa xaqiijiyay shalay illaa doraad gaadiidka kala duwan in dakadda deegaanka Faax ay ka aruurinayeen hubka Shabaab ay halkaasi kala soo dageen, waxayna dadka deegaanka sheegeen inay arkayeen gaadiidka dagaalka iyo kuwa xamuulka oo Shabaab saanada Militari ay ku raranayeen.

Gaadiidka dagaalka Shabaab ee saanada Militari lagu soo qaaday ayaa ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere, waxayna sii mareen Degmada Jowle iyaga oo u sii gudbay dhanka Gobolka Galgaduud.

Saanada Militari ayaa la sheegay in la geeyay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana sida qorshaha uu yahay la doonayaa in loo qaybiyo ciidamada jabhadaha Al Shabaab ee ku sugan Gobolada Mudug, Galgaduud iyo Shabellaha dhexe si ay dagaalo ugu qaadaan.

Inta badan hubka ay ku dagaalamaan Ururka Al Shabaab ayaa la sheegayaa inuu uga yimaado dhanka dalka Yemen, halkaasi oo ay ka dagaalamaan Xoogag ka tirsan Ururka Al-Qaceda oo Shabaab ay ka mid yihiin.

Sidoo kale Shabaab ayaa hub ka hela xeryaha ciidamada Amisom ee weerarada ay ku qaadaan iyo Saldhigyada ciidamada dowladda ee ay weeraraan.

Xoogaga Shabaab ayaa wada qorshe ku aadan abaabul dagaal oo ay doonayaan inay ku qaadaan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Somaliya, halkaasi oo uu ka socdo shirarka midowga Ahlu Sunna iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY