Akhriso Madaxweyne Xaaf iyo Wafdi Culus oo Gaalkacyo looga Yeeray Maxa soo...

Akhriso Madaxweyne Xaaf iyo Wafdi Culus oo Gaalkacyo looga Yeeray Maxa soo Kordhay?

0
SHARE

HM__xafiiska Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug  Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Axmed Shaakir  Cali Xasan ayaa la filaayaa in ay maanta tagaan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaaas oo ay kaga qeyb  geli doonaan shir lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka maalmihii dambe maamulkaasi kasoo cusboonaaday.

Wararka ayaa sheegaya in Magaalada Gaalkacyo ay kula kulmi doonaan Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe u qaabilsan Soomaaliya oo dhawaanahaani booqanaayay maamul goboleedyada dalka ka jira isagoo kala hadlaayay sidii loo xalin lahaa mad madowga soo kala dhex galay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxaa hori loo siii qorsheenayay in wafdiga Qaramada Midoowe ee uu Haysom hogaaminaayo in ay booqasho ku tagaan Magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah maamulka Galmudug balse Gaadiid aan xabadu karin oo ay UN-KU leeeyihiin laga celiyay  Koontaroolka Waqooyi ee Magaalada Cadaado oo ay gacanta ku haayaan garabka kale ee Galmudug.

Hadii madaxweyne Xaaf uu booqashadaan dhanka cirka ah uu ku tago Magaalada Gaalkacyo waxay noqonaysaa markii labaad mudo bil gudaheeda ah oo uu Xaaf  tago Magaalada Gaalkacyo

LEAVE A REPLY