Akhriso:-Wararkii U Dambeeyay Ee Doorashada Koonfur Galbeed

Akhriso:-Wararkii U Dambeeyay Ee Doorashada Koonfur Galbeed

0
SHARE

Jahwareer Siyaasadeed ayaa ka bilaawday deegaanada Koonfur Galbeed sigaar ah Magalada Baydhabo kadib markii si kedis ah ay isku casileen Xubnihii ugu sareeyay ee guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa qorshaheedu yahay inay dhacdo 17-ka Bishaan balse waxa ay u muuqataa inay dib u dhacdo maadaama Xubnihii Gudiga ay is casileen Jadwalka doorashada ay muhiim tahay in la bedelo.

Xubnaha Guddigii doorashada ee is casilay ayaa waxa ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyeen inay faragelin kala kulmeen,isla markaana cabasho ay uga timid Xubnaha musharixiinta ah

Badi Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa haatan ku sugan Magalada Muqdisho,kuwaas oo todobaadkii la soo dhaafay diyaarado looga soo qaaday Magalada Baydhabo,sida ay horay u sheegeen Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Wararka Radio Dalsan ka helayo Magalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in ay socdaan kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Koonfur galbeed Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed eek u sugan Baydhabo ayaa iyana kulamo kale leh,waxana jawiga Guud ee Magaalada Baydhabo manta laga dareemayay jawi ka bedelan sidii shalay.

Si kastaba Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa laga sugayaa Go’aanka ugu dambeeya ee doorashada Koonfur Galbeed maadaama Guddigii uu ku dhawaaqay intooda badan ay is casileen

LEAVE A REPLY