Daawo Sawirad gadiid Hub u waday Dhuusamareeb oo Duleedka Cadado lagu...

Daawo Sawirad gadiid Hub u waday Dhuusamareeb oo Duleedka Cadado lagu haysto

0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya Magaalda Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in koontorool ku yaalla Magaaladaas lagu qabtay Gawaari nooca Xumuulka qaada oo laga shakiyay.

Gawaaridaas oo gaaraya lix,isla markaana ah kuwa Xumuulka qaada ayaa waxaa Gacanta ku haya Ciidamo boolis ah iyo maleeshiyad ku sugan Cadaado.

Warar leysla dhexmaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaadiidkaas looga shakiyay inay wadaan Hub ku socda Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Gawaarida ayaa ka yimid Magalada Gaalkacyo,balse markii ay marayeen koontorool ku yaalla duleedka Cadaado,waxa celiyaya Ciidamada,waxana lafilayaa in baaritaan lagu sameeyo ayuu yiri Wariye ku sugan Magalada Cadaado.

Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug  iyo kan degmada Cadaado weli kama hadlin,waxaana Maanta aad looga hadal hayaa Magalada Cadaado.

LEAVE A REPLY