Daawo Sawirada Olale Xoogan oo Wali ka Socda Magaalada Gaalkacyo

Daawo Sawirada Olale Xoogan oo Wali ka Socda Magaalada Gaalkacyo

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Olalahaan nadaafadeed oo ay ka qeyb qaadanayaan sidoo kale ciidamadabooliiska Galmudug ayaa ugu horeyn waxaa ka warbixiyay Duqda Dagmada
Galkacyo xirsi yuusuf barre waxaana uu sharaxaad ka bixiyay olalahaan
isagoo sidoo kalana uga mahad celiyay ciidanka booliiska kaalinta ay
ka qaadanayaan

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska fadraalka ee Galmudug G/sare
Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb)  ayaa isna sheegay in talaabo laga
qaadi doono ciddii lagu arko iyadoo qashin ku shubeysa meelo aan
habooneeyn waxaa sidoo kale taliye ku xigeenku uu digniin u jeedayay
ganacsatada goobaha ganacsi ku leh meelaha halboowlaha u ah bulshada
kuwaa oo uu tilmaamay in nadaafad xumida ugu badan ay iyagu masuul ka
yihiin sidaa darteedna talaabo laga qaadi doono haddii lagu arko
hortooda qashin iyowaxyaabo kale oo wax udhimi kara bilicda deegaanka

Ugu danbeyna xildhibaanad Sahro Daahir Mire oo ka mida aheyd
masuuliyiintii wax ka waday olalaha ilaalinta nadaafada iyo faya
dhowrka ayaa ugu baaqday shacabka Galkacyo in ay u istaagaan
hagaajinta bilicda si looga feejignaado cuduro ka dhasha wasaqda

Olalahaan nadaafadeed oo qeyb ka ah qorshaha dar dar galinta dib usoo
celinta bilicda  Galkacyo ayaa kusoo aadaya xilli bilihii u danbeeyay
laga dareemayay nadaafad xumi ka jirta qeybo ka mid gudaha magaalada
Galkacyo ee maamulka Galmudug iyadoona waxa keenay nadaafad xumidaasi
ay tahay mid lagu dhaliilayo waxqabadka dowlada hoose ee dagmada
Galkacyo ee Galmudug maadaama howhsa nadaafada iyo faya dhowrka
bulshada ay qeyb ka tahay howlaha shaqo ee loo igmaday dowladaha hoose

Waxaa Qoray C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

LEAVE A REPLY