Daawo Sawirada: Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino Cusub...

Daawo Sawirada: Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino Cusub oo kasoo baxaya

0
SHARE

qarax loo maleenayo in uu yahay mid gaari lagu soo xiray uu ka dhacay laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan agagaarka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa noo sheegay in qaraxa uu ka dhacay laamiga dhinaciisa gaar ahaan xarunta Daacad Car Care , waxaana qaraxa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nuuca loo yaqaan qooqanta oo goobtaasi yaalay.

Qaraxan ayaa la sheegay in uusan khasaaro nafeed ka dhalan ,  waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay goobaasi.

Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin qaraxan gaariga lagu soo xiray ee ka dhacay Muqdisho, waxaana inta badan gaadiidka Qooqanta isticmaala masuuliyiin dowlada iyo saraakiisha ciidanka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY