Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Galgaduud Oo Xal Laga Gaaray

Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Galgaduud Oo Xal Laga Gaaray

0
SHARE

Waxaa inta badan xal laga gaaray dagaal beeleedyo horay uga dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud kaas oo sababay dhimashada dad badan iyo barakaca kuwo kale.

Maamulka degmada Xeraale iyo Odayaal ka yimid deegaano hoostaga degmada Cadaado ayaa Xeraale ku qabtay kulan beelahaas lagu heshiisiinayay,waxaana shirkaasi laga soo saaray qodobo horudhac ah oo lagu heshiisiinayay labadaasi beelood.

Guddoomiyaha deegaanka Xeraale Bashiir Daahir Dhagabadan ayaa sheegay in dagaal beeleedkaas ay qeyb ka ahaayeen Ururkii Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug,isla markaana ugu dambeyn xal laga gaaray.

Waxa uu sheegay in shirka beelahaas lagu heshiisiinayay uu socday mudo ka badan Saddex bilood ah,hayeeshee uu sheegay in Maalinta berito ah shirkaasi la soo gaba gabeyn doono,isla markaana qodobo laga soo saari doono.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa dhacay tiro ka dhowr jeer waxaana markii hore uu ahaa mid lagu tilmaamayay inuu u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsanaa Galmudug iyo Ahlusunna oo ku biirtay balse markii dambe ay ku baxeen waxgarad ka soo jeeda Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY