DHAGAYSO-Xog Xasaasi ah Gurigii Lagu Diyaariyay Qaraxii Gaalkacyo Iyo Dad Loo Qabtay

DHAGAYSO-Xog Xasaasi ah Gurigii Lagu Diyaariyay Qaraxii Gaalkacyo Iyo Dad Loo Qabtay

0
SHARE

Iyadoo ay Socdaan Howlgalo ay Sameynayaan Ciidamada Amaanka Ee Kala Duwan Kuna Sugan Gobalka Mudug Gaar Ahaan Magaalada Gaalkacyo kuwaa oo Lagu Xaqiijinayo Amaanka Guud Ee Magaalada.Kadib Qaraxyadii Ka Dhacay Gaalkacyo Ee dadka Badan Ku Dhinteen..Ayaa Taliska Buliiska Galmudug Waxay Soo Bandhigeen Guri Ay Sheegen In uu Ahaa Halkii Lagu Soo Diyaarshay Weerarkii Lagu Qaaday Xaruuntii Sh.Cabdiwali Sh.Cali..

Taliye Kuxigeenka Ciidamadda Buliiska Galmudug G/sare Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb Oo Ka Mid Ahaa Saraakiisha Tagay Goobta ayaa Sheegay in Guri kuyaal Xaafadda Horumar Ee Magaalada Galkacyo Laga Soo Abaabulay Qaraxyadii Isniintii Ka Dhacay Gaalkacyo

Xiliyadii U Denbeeyay Magaalada Gaalkacyo Waxaa Si weyn Uga Socda Howlgalo Iyo Baaritaano ay Si wada Jira u Sameynayaan Ciidamada Kala Duwan Ee Ku Sugan Gaalkacyo.

Kadib Qaraxyadii Ka Dhacay. waxaana Jira Dad Loo Soo Qaqabtay La Xariirin Falalka Amaan Daro Ee Ka Dhacay Magaalada.

HOOS KA DHAGEYSO.CODKA TALIYE XABEEB

 

LEAVE A REPLY