DHAGEYSO: Madaxweyne Xaaf & Sheekh Shaakir oo khilafkii taagna Heshiis ka...

DHAGEYSO: Madaxweyne Xaaf & Sheekh Shaakir oo khilafkii taagna Heshiis ka wada Gaaray Maxaase lagu Heshiyay ?

0
SHARE

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa  Is Arkay Xilli Khilaaf la sheegay inuu ka dhex jiray.

Sheekh Shaakir ayaa la rumeysanaa inuu la saftay Dawlada Federaalka sidaana uu culeyska kusii kordhay Madaxweyne Xaaf balse maanta kulankoodii shaki kale ayaa abuurmay.

Mas’uuliyiintani inkastoo aysan soo hadal qaadin Arimaha Dawlada Dhexe iyo Galmudug ka dhex taagan hadana waxa ay wadajir u kormeereen Xarunta Wasaarada Maaliyada Galmudug Ee Dh/mareeb ku taalla.

Xaaf hadalkiisa waxa laga dareemayey isku filnaashiyo inay ubaahan yihiin Bulshada Galmudug in ay gaaraan kana tashadaan aayahooda oo ay isku tashi la yimaadaan.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA

LEAVE A REPLY