DHAGEYSO: Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Beeleedkii Gal gaduud & Gurmad Xoog Leh...

DHAGEYSO: Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Beeleedkii Gal gaduud & Gurmad Xoog Leh Oo…

0
SHARE

Wararkii ugu dambeeyey Ee Laga Helayo Wuqooyiga Gobolka Gal gaduud ayaa sheegaya in weli xiisad Colaadeed ay ka jirto Halkaasi.

Deegaanka Doolaale Ee Guriceel iyo Balan bal udhaxeeya ayaa shalay axadii uu dagaal beeleed khasaaro geystay uu ka dhacay,iyadoo welina la is hor fadhiyo.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in Gurmad ay kala helayaan Beelaha Dagaalamay,lagana cabsi qabo in mar kale uu dib uqarxo dagaal.

Nabadoon Cabdulle Soofe oo ka mid ah Waxgaradka ku baxay Dagaalkaas ayaa sheegay inay tageen Deegaanka islamarkaana ay ku baaqeen joojinta Colaadaan dhiiga ku daadanayo.

Waxa uu Nabadoonku shaaca ka dhigay inaysan awood kale heyn oo baaq soo jeedin ah maadaama Hubka gacanta Maleeshiyada ku jira lagana yaabo in mar kale ay dagaalamaan.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA

LEAVE A REPLY