DHAGEYSO: Xaaf Oo Weerar Culus Maanta Mar Kale Ku Qaaday Dawlada Dhexe...

DHAGEYSO: Xaaf Oo Weerar Culus Maanta Mar Kale Ku Qaaday Dawlada Dhexe Kadib Haysom Markuu La Kulmay

0
SHARE

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waxa uu maanta kulan kula qaatay Magaalada Gaalkacyo Wafdi uu hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Waxa Kulankaas Madaxweyne Xaaf ku wehlinayey Xubno katirsan Maamulkiisa uuna k mid ahaa Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Nicholas Haysom oo ay wada socdeen Wakiilka Midowga Africa Ee Soomaaliya Fransisco Madiera ayaa waxay wadajir Kulan ula qaateen Madaxda Galmudug.

Warbaahinta ayaa Kulanka dibad joog ka aheyd inta uu socday,hase ahaatee markii uu soo dhamaaday waxaa Shir jaraa’id Qabtay Madaxweyne Xaaf.

Waxa uu sheegay inay Kawada hadleen Danjire Haysom Sidii Galmudug Loo hormarin Lahaa,Khilaafka Dawlada Dhexe iyo Sidii ay Deegaanada Galmudug Hay’adaha Qaramada Midoobeey ugu ballaarin lahaayeen Xafiisyadooda.

Madaxweyne Xaaf ayaa weerar kale oo Afka ah Ku Qaaday Dawlada Federaalka sida laga dhadhansan karayna uu muujiyey Khilaafka sida uu weli Saameyn u leeyahay.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNE XAAF

LEAVE A REPLY