Dowlada Somaliya oo War ka Soo Saartay Qaraxyadii ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Dowlada Somaliya oo War ka Soo Saartay Qaraxyadii ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab ku dileen qaraxyo ay ka geysteen Gaalkacyo iyo Muqdisho.

Tacsi taas la mid ah waxaa diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.

Qaraxyo ka kala dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho waxaa ku geeriyooday in ka badan labaatameeyo ruux,kuwaad oo u badnaa dad Shacab ah.

LEAVE A REPLY