Saameyn Culus Uu Ku Reebay Madaxda Maamul Gobolleedyada Hanjabaadii Farmaajo

Saameyn Culus Uu Ku Reebay Madaxda Maamul Gobolleedyada Hanjabaadii Farmaajo

0
SHARE

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Hadal umuuqday Hanjabaad u diray Madaxda Maamul Gobolleedyada Xalay markii uu Khudbad ka jeedinayey Kulankii uu la yeeshay Soomaalida ku dhaqan Koonfurta Sudan.

Waxa Farmaajo uu si qayaxan uga hadlay markii ugu horeysay Xiisada Siyaasadeed Ee Dawladiisa kala dhaxeeyo Dawlad Gobolleedyada iyo Khaladaadka ay sameeyeen.

Madaxda Dawlad Gobolleedyada ayaa Lagu Dhaleeceeyey inay Gacan dhaaf sameeyeen oo ku aadan Shaqadii Dawlada Dhexe qabsan laheyd Ee Arimaha Dibada,Heshiisyada la gelayo iyo wax walbo oo Diblomaasiyad quseysa.

Farmaajo waxa uu sheegay in ay tallaabo qaadi laheyd Dawlada balse ay udiir naxeyso Shacabka,lagana fahmi lahaa Si khaldan hadii ay taakadaas gelin laheyd Madaxda Maamul Gobolleedyada.

Waxa la filayaa in deg deg ay uga soo jawaabaan Golaha Iskaashiga Dawlad Gobolleedyada Fariintaas Farmaajo kasoo diray South Sudan marka uu joogay Ee iyaga uu kusoo jeediyey Tooshka.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu kasii fogaaday isku soo dhawaanshiyo la rajeenayey in la dhex dhigo iyaga iyo Dawlada Federaalka.

Shariifka waa budo gaar u tuman isaga,balse Axmed Xaaf iyo C/weli Gaas ayaa labaduba u muuqda inay soo dabceen lagana yaabo wada hadalka Dawlada inay Aqbalaan.

Shariif Xasan waxa uu miiska saaran yahay bishaan kala barkeeda,oo doorasho ayaa ku foogan Koonfur Galbeed,waxa uu dareemayaa Culeys Dhowr jiho kaga imaanaya,waxa uu la kulmayaa Cadaadis ba’an taas oo laga filanayo inuu guuldaro wajaho hadii Xaalka sidaan kusii ahaado.

LEAVE A REPLY