Sawiro: Madaxweyne Xaaf Oo Dhabarka Ka Jebiyey Garabka Cadaado & Kulankii ...

Sawiro: Madaxweyne Xaaf Oo Dhabarka Ka Jebiyey Garabka Cadaado & Kulankii dhuusamareeb oo la isku afgartay in ……….

0
SHARE

Kulankii ka dhacay Dhuuso mareeb waxaa shir gudoominayey Madaxweyne Xaaf kaas oo arimo badan lagu soo hadal qaaday.

Waxa Kulankaas xaadir ahaa Wasiirada taageersan Garabka Dhuuso mareeb Ee Dawlad Gobolleedka Galmudug.

Waxaa goob joog ka ahaa shirkaasi Madaxa Xukuumada Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maalmo ka hor la sheegay inuu khilaaf kala dhaxeeyo Xaaf balse dib ka beeniyey warkaasi.

Wasiirada iyo madaxweyne Xaaf waxay ka hadleen sidii la iskugu diyaarin lahaa Shirweyne dhawaan Dhuuso mareeb marti gelineyso.

Sidoo kale Hormarinta Maamul ahaan deegaanada Galmudug ayaa lagu soo hadal qaaday,iyo u adeegida Shacabka Soomaaliyeed.

Waxyaabaha xiisaha lahaa waxaa ka mid ah in Kulanka uu Caan ku noqday Midkii Shaaha lagu cabay si gaar ah Shaaha Bigeyska ahaa.

Maanta ayaa Gole Wasiiro Cusub waxa ku dhawaaqay Axmed Baasto oo dhawaan Garabka Cadaado ay udoorteen Madaxweyne iyadoo kulankii Dhuuso mareeb uu midkaasi dhabar jebin u ahaa.

LEAVE A REPLY