Sawirro:-Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Garoonka Diyaaradaha Magalada Garoowe

Sawirro:-Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Garoonka Diyaaradaha Magalada Garoowe

0
SHARE

Ciidamadaan Gadoodsan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa difaaca uga jiray deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Ciidamadaas ayaa sida aan Wararka ku heleyno waxa ay sheegayaan in ay ka cabanayaan mushaar la’aan,sila markaana ay Manta la wareegeen Garoonka Diyaaradaha Magalada Garoowe ee Gen,Maxamed Abshir.

Ciidamadaas ayaa waxaa Kornayl Magaciisa lagu sheegay Sumaysane,kaas oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Puntland ee ku sugan aaga Tukaraq.

Tilaabadan ayaa ciidamadu kula wareegeen Garoonka diyaaradaha garoowe ayaa ku soo beegmaysa xilli Magalada Garoowe uu ku sugan yahay ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo.

LEAVE A REPLY