(Sawirro) Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira oo Maanta Gaaray Gaalkacyo lana Kulmay...

(Sawirro) Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira oo Maanta Gaaray Gaalkacyo lana Kulmay Xaaf

0
SHARE

Wafdi uu hogaaminayay Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya Nichalos Haysom iyo Wakiilka Midowga Afrika ee  u qaabilsan arimaha Soomaaliya Francisco Madeira oo Maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Masuuliyiinta ayaa ayaa xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Axmed Ducaale Gelle Xaaf

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan Madaxa Xukuumada Galmudug iyo Golaha wasiirada Galmudug ayaa Madaxda Qaramada midoobe iyo Midowga Afrika kala hadleen xal u helida khilaafka ka dhax aloosan  Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa Maamul Gobaleedyada Soomaaliya.

Madaxda Beesha Caalamka iyo Masuuliyiinta Galmudug ayaa sidoo kale waxaa ay diirada saareen Faragalin ay sheegeen in ay ku heyso Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyagoona tusaale u soo qaatay madaxda Galmudug Doorashada ka dhacday Cadaado, islamarkaana waxaa ay sheeegeen in dowlada Soomaaliya ay arintaasi faragelin weyn ah ay ku hayso.

LEAVE A REPLY