War Deg Deg ah: Dagaal Culus Ka Socda Deegaano Ka Tirsan Gobolka...

War Deg Deg ah: Dagaal Culus Ka Socda Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

0
SHARE

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan.

Dagaalkaasi ayaa waxa uu dhexmarayaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,waxaana dagaalka uu sigaar ah u socdaa deegaanka Jilib-marka.

Dadka deegaanka Jilib-marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in dagaalkan uu yahay mid culus,isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana ka dhashay Khasaaro .

Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in deegaanka Jilib-marka Ciidamada xoogga dalka ay ka weerareen dhowr jiho,waxaana deegaanka ku Go’doosan Ciidamo badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kala waxaa la sheegayaa in Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Xoogga ay deegaanka uu dagaalka ka socda kusiii jeedaan,si ay ugu biiraan dagaalka.

Ilaa iyo hadda lama Oga Khasaaraha ragmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Jilib-marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose

LEAVE A REPLY