Wararkii u Danbeyay Rag lagu tuhmaayo Qaraxyadii iyo Weerarkii xarunta ...

Wararkii u Danbeyay Rag lagu tuhmaayo Qaraxyadii iyo Weerarkii xarunta AUN abdiwali Ali Cilmi yare oo la qabtay iyo Gurigii Werarka lagu dilyaariyay oo…..

0
SHARE

Ciidamada Booliska maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay rag lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen Weerarkii iyo Qaraxyadii lagu qaaday Magaalada Gaalkacyo todobaadkaan gudhiisa.

Taliska Ciidanka Booliska Galmudug oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay waday howlgal Ballaaran ayaa maanta shaaciyay in ay heleen xog ku aadan Guriga ay deganaayeen raggaasi iyo sidda ay ku degeen.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in qabteen xubno ay ku tuhmaayo in ay wax kasoo Abaabuleen weerarkii iyo Qaraxyadii lagu qaaday xarunta Wadaadka Cabdiweli Cali Cilmi Yare ee Gaalkacyo.

Dadka la qabtay ayaa hada waxaa ku socota Baaris, waxaana la aaminsan yahay in ay soo gashay xog ku aadan soo dhaweynta iyo Keenida Gaalkacyo raggii weerarka fuliyay.

Ku dhawaad 15 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxyadii ka dhacay xarunta xerta ee Wadaadka Cabdiweli, waxaana la qabtay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday oo dhaawac ah.

LEAVE A REPLY