Wasiirka Arimaha Gudaha oo gaaray Baydhabo iyo kulamo ka socda Madaxtooyada KG.

Wasiirka Arimaha Gudaha oo gaaray Baydhabo iyo kulamo ka socda Madaxtooyada KG.

0
SHARE

HM__Xafiiska Baydhabo Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Maanta waxaa uu gaaray magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Wasiirka arimaha Gudaha ayaa waxaa la socday Xubnaha ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa la sheegay in garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud uu ku soo dhaweeyay Wafdiga la socday Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya, iyagoona u galbiyay Xarunta madaxtooyada Koofur Galbeed.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya uu kulamo la leeyihiin madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed  Soomaaliya.

Masuuliyiintan ayaa waxaa ay kala wada hadli doonaan xaalada Siyaasadeed ee xiligan ka jirta Magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa ka Soconaya Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Wariyaasha 4 galabnimo looga yeeray Xarunta Madaxtooyada ee Maamulka Koofur galbeed.

Xaalka Magaalada Baydhabo ayaa maanta ah mid aad u kacsan, iyadoona Kulamo Gaar-gaar ah ay ka socdaan hoteeladda Ku yaala Magaalada iyo Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY