Xog Cusub :Dad ka bara kacay Dagaal Mudug ku dhex maray Shabaab...

Xog Cusub :Dad ka bara kacay Dagaal Mudug ku dhex maray Shabaab iyo Shacab oo ku dhibaateysan Galgaduud

0
SHARE

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in dadka barakacayaasha ee ku nool kaamamka ku yaala Magaaladaasi.

Dadkan ayaa waxaa ay  ka soo barakaceen colaadihii Al-shabaab iyo Dadka Deegaanka Ku dhaxmaray qaybo Ka mid ah Gobolka Mudug.

Sababta ay u soo barakaceen dadkan ayaa waxaa la sheegay in tahay kadib markii Al-shabaab ay Ku amreen in ay Keenaan qaar ka mid ah caruurtooda, si loo askareeyo.

Xaalad  nolol Xumo ayay sheegeen in ay Xiligan Ku haysato Kaam ku yaalla Magaalada Cadaado.

Masuuliyiinta kaamamka ayaa waxaa ay sheegeen in weli wax gurmad aysan ka helin dowlada dhexe iyo Maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan in wax loo qabto dadka barakacayaasha ee ka soo barakacay dhibaatooyinka ay Al-Shabaab u geysteen dadka Shacabka.

LEAVE A REPLY