Xogtii u Danbeysay Gadiidkii Hubka Siday ee Dhuusamareb u socday...

Xogtii u Danbeysay Gadiidkii Hubka Siday ee Dhuusamareb u socday kuna Xanibnaa Duleedka Cadaado

0
SHARE

Yabaal Xaaji Aadan Afhayeenka daraawiishta Galmudug oo la hadlay KNN ayaa faahfaahin ka bixiyay Gawaari dhawaan ay ku xanibeen Magaalada Cadaado,kuwaasi oo la sheegay in ay kusoo jeedeen Magaalada Dhuusamareeb.

Afhayeenka daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in Gawaaridaan oo gaaraysa  6 wali ay ku xani ban yihiin Magaalada Cadaado oo horay Caasimad KMG ah u aheyd maamulka Galmudug.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in ay wareysteen qaar ka mid ah darawaladda waday gawaarida ayna sheegeen in ay ka yimaadeen  Berbera iyo Jabuuti sida uu tilmaamay ilaa iyo hada xogta ay hayaan ,islamarkaana ay u socdeen Magaalada Muqdisho.

Maalintii sedexaad ayaa Gaadiidkan waxaa ay ku Xaniban yihiin duleedka Magaalada Cadaado Ee Gobalka Galgaduud.

LEAVE A REPLY