akhriso WAREEGTO LAGU KALA DIRAY GOLIHII DEEGAANKA DAGMADA CADAADO

akhriso WAREEGTO LAGU KALA DIRAY GOLIHII DEEGAANKA DAGMADA CADAADO

0
SHARE

Madaxtooyada Galmudug, Dhuusamareeb

Galmudug StateOffice of the PresidentXeer Madaxweyne Lr. 14/2018Tr. Dec 22, 2018Kala

Diridda Golaha Deegaanka Cadaado & Dhisidda Guddiga

QabanqaabadaMadaxweynaha Dowlad Goboleedka GalmudugMarkuu Arkay:Qodobka 57aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Dowlad GoboleedkaGalmudug;Markuu Arkay:Qodobka 32aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka Dowlad GoboleedkaGalmudug

;Markuu Arkay:Soojeedinka Warqadda Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha &Dowladaha Hoose Galmudug ee ku asteysneyd WAG/0006/2018,taariikhduna ahayd 20/12/2018;

Markuu Tixgaliyey: Dhamaanshaha waqtiga golaha deegaanka Cadaado iyo ahmiyadda ayleedahay dhisidda gole deegaan oo cusub;

Wuxuu Xeeriyey:Qodobka 1aadKaladiridda Golaha Deegaanka Cadaado1. Maantay oo ay taariikhdu tahay 22/12/2018 Madaxweynuhu wuxuu kala diray GolahaDeegaanka Degmada Cadaado.

Qodobka 2aadMagacaabidda Guddiga Qabanqaabada Doorashada1. Cabdirisaaq Maxamed Cismaan2. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cumar3. Cumar Daauud Faarax4. Cabdiwali Maxamed Shiikhdoon5. Cabdikariim Maxamed Cilmi6. Nuur Xaashi Tabayo7. Axmed Cabdinuur Wehliye

Qodobka 3aadHawlaha shaqo ee Guddiga Qabanqaabada1. Guddigu waa in uu ku dhammeeyaa hawlaha doorashooyinka gohala deegaanka muddo 3bilood ah

.2. Hawsha Guddigu waxay ku egtahay marka ladoorto Gudoomiyaha Degmada Cadaado.

3. Guddigu wuxuu ku shaqeynayaa qorshe hawleedka ay udajineyso wasaaradda ArrimahaGudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug.4. Guddigu wuxuu ku shaqeynayaa si waafaqsan Xeerka Dowladaha Hoose ee Galmudug.

LEAVE A REPLY