Cabsi Ka Jirta Xerada Xalane Iyo Shaqaalaha Soomaalida Oo Loo Diiday Inay...

Cabsi Ka Jirta Xerada Xalane Iyo Shaqaalaha Soomaalida Oo Loo Diiday Inay Galaan

0
SHARE

Xog hoose oo la helay  ayaa lagu sheegay in Boqolaal Shaqaale Soomaali ah oo u shaqeyn jirey Hay’addaha QM iyo Shirkadaha Caalamiga ee ku sugan Xarunta Xalane laga joojiyey inay u shaqo tagaan Xalane, sababo aan la shaacinin, inkastoo la hadal-hayo Cabsi dhinaca Ammaanka oo ku wajahan Xeradda Xalane.

Maalintii Sabtida ee toddobaadkan, kuna beegnayd bishan December 1-dii ayaa la sheegay in inta badan shaqaalaha Soomaalida lagu wargeliyey inaysan Xeradda Xalane u soo shaqo tegi Karin ilaa amar dambe, halka qaar ka mid ah shaqaalahaasi laga celiyey Albaabka Weyn ee laga galo Xeradaasi.

Wararku waxay sheegayaan inuusan jirin Qoraal Rasmi ah oo Shaqaalaha Soomaalida looga mamnuucay inay soo galaan Xaradda Xalane ee ay ka shaqayn jireen, balse ay Saraakiisha Xaruntaasi door bideen inay shaqaalahaasi siiyaan Wargelin Afka ah.

Shaqaalaha Soomaalida ee uu saameeyey amarkaasi ayaa waxay isugu jiraan Turjumaano, Cunto-kariyayaal, Shaqaalaha Dhismaha iyo Ganacsato mehrado ku dhex leh gudaha Xalane.

Dhinca kale, dhamaan Shaqaalaha Soomaalida ee u shaqeyn jirey Hay’dda QM ugu qaabilsan Barnaamijyadda Horumarinta ee UNDP waxaa lagu wada amray inay guryahooda iska joogaan, isla markaana loo yeeri doono marka la qaado Amarka looga mamnuucay inay soo shaqo tagaan

LEAVE A REPLY