Daawo : Sheekh Xasan Daahir oo Shabaab ku taageeray weerarkii Gaalkacyo ee...

Daawo : Sheekh Xasan Daahir oo Shabaab ku taageeray weerarkii Gaalkacyo ee lagu dilay Cabdiweli Cilmi Yare

0
SHARE

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay weerarkii lagu dilay Cabdiweli Sheekh Cilmi Yare ee magaalada Gaalkacyo, isagoo bogaadiyey tallaabadii ay Alshabaab ka qaadeen.

Sheekha oo muuqaal soo duubay, isagoo xabsi guri uga jira dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu Alshabaab ku raacsan yahay tallaabadii ay ka qaadeen Sheekh C/weli, isagoo dhinaca kale sheegay in khaladaadkooda leeyihiin.

Sheekh Xasan Daahir wuxuu faahfaahin ka bixiyey go’aanadii culimada Soomaalida ka qaateen wadaadka reer Gaalkacyo iyo xukunka laga qaatay ee ahaa inuu ka baxay diinta iyo cidda fulineysa

Sheekh Xassan Daahir Aweys oo Al-shabaab ku taageeray Qaraxyadii ay kageysteen magaalada Gaalkacyo kuna dileen Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi yare iyo Shacab kaloo badan, arrintaani waxay kutusineysaa sida khawaariijtu isku mab'da uga tahay Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed….

Posted by Abdirizak Mohamed Kabayare on Monday, December 3, 2018

LEAVE A REPLY