Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Galmudug

Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Galmudug

0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaa soo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Dhagaxyaale oo 50km u jira degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,waxaana uu yimid kadib markii ay deegaankaas tageen Rag ka tirsan Al-Shabaab,waxaana dagaal uu dhexmaray Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Shabaab.AKHRISO

 

Dad ku sugan Deegaanka Dhagaxyaaale ayaa sheegay in mar qura ay ka warheleen daryanka rasaasta ay isweeydaar sanayeen ciidamada Galmudug iyo dagaalamayaasha Aal-Shabaab,iyada oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug oo ka baxay degmada Guriceel ayaa gaaray deegaanka lagu dagaalamayo,waxaana wararkii u dambeeyay ee nasoo gaaraya ay sheegayaan in xaaladu iminka ay tahay mid degan.

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.