Galmudug oo ka Hadashay Qaraxyadii Maanta ka Dhacy Muqdisho

Galmudug oo ka Hadashay Qaraxyadii Maanta ka Dhacy Muqdisho

0
SHARE

Dowladda Galmudug ayaa ka Tacsiyeysay Dadkii ku Waxyeeloobay Qaraxdii Muqdisho ka dhacay.
===================================

Madaxa Xakuumada Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Sheikh Mohammed Shakir Ali Hassan Ayaa Dhamaan Umada Somaliyed uga Tacsiyeeyay muwaadiniintii Ku Shahiiday weeraradii Qaraxa ahaa Ee ka dhacay Maanta Magaalada Mugdisho .

Dr Sheikh Shaakir Ayaa Dowlada Dhaxe Ee Somalia Ugu baaqay in la Qabto shir wayne Qaran Oo looga hadlaya “” Xal u halida Qaraxyada iyo Waxa Sababa in Qofka is Qarxiya “”, Waxuuna Madaxda Dowlada Federaalka Somalia ka codsaday in ay Abaabulaan Shir wayne Qaran Oo looga hadlaya Arimahas Oo Idil .

Waxaa uu Sidoo kale Sheegay in loo baahan Yahay in loo Midoobo Dagaal ka dhan ah Argigixisada Somalia Ee Dhibaatadan ku heysa Shacbiga Somaliyeed.

Allaha U Naxariisto Walaalaahii Ku Geeriyooday 2dii Qarax ee Maantaa ka Dhacay Caasimada Somalia Ee Mugdisho, Allaha U booga dhayo Walaalahii Dhaawaca ka Soo Gaaray Musiibadii Maanta .

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi Raajicuun .

LEAVE A REPLY