R/wasaaraha Israa’iil iyo xaaskiisa oo la maxkamadeenayo

R/wasaaraha Israa’iil iyo xaaskiisa oo la maxkamadeenayo

0
SHARE

Booliska Israa’iil ayaa sheegay in ay maxkamadeyn wajahayaan Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo xaaskiisa Sara, ka dib marikii lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo laaluush.

Waxaa lagu tuhunsanyahay in ay xagga sharciga si khaldan ugu hiilliyeen shirkadda warbaahinta ee Bezeq telecom, iyagoo ka rabay in dhankeeda ay u baahiso warar dhinaca fiican oo kaliya looga eegayo arrimaha ku saabsan Ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa.

Mr Netanyahu ayaa iska fogeeyay eedeymahaas oo ku jira waxa loo yaqaanno Kiiska 4000.

Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa hadda laga dhowrayaa inuu go’aan ka gaaro in kiiskan loo gudbiyo maxkamadda iyo in kale.

LEAVE A REPLY